XOG: Qorshaha dagaalka Koofurta gobolka Mudug oo la dejiyay

0
35

XOG: Qorshaha dagaalka Koofurta Mudug oo la dejiyay

Sida ay sheegeyso xog ay ka heshay shabakaddan GalmudugMirror, saraakiisha ciidanka mujaahidiinta degaanka iyo kuwa xoogga ee fadhigoodu yahay magaalada Wisil ayaa dejiyay qorshe dagaal.

Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, ayay saraakiishu qorsheysay in dhowaan lagu qaado dhammaan degaannada ay kooxda Alshabaab ka maamulayso Koofurta gobolka Mudug.

Ilo ammaan ayaa sheegaya in dagaalkani oo ka culus dhammaan kuwii hore uga dhacay jiidaha dagaalka ee Koofurta Mudug, ayay inoo xaqiijiyeen in dagaalku uu yahay mid saf ballaaran.

Ciidamada dagaalka iyo kuwa xoogga dalka oo ay wehliyaan daraawiishta Galmudug ayaa la galiyay heegan buuxa waxaana dagaalka cusub qeyb ka noqon doona ciidamo cusub oo iminka tababar uu uga socdo xerada ciidanka ee Wisil.

Gulufkan dagaal ee ka dhanka ah Shabaab ayaa saraakiisha dejisay laga soo xigtay inuu yahay mid Shabaabka lagaga saarayo guud ahaan gobolka si loo wiiqo awoodda kooxda ee bariga Galgaduud.

“Haddii koofurta Mudug laga soo nadiifiyo waxaa sahlanaanaysa in si dhib yar loo wiiqo cadowga ku sugan bariga gobolka Galgaduud, sidaasna waxaa ku suurtagalaysa in gebi ahaanba dowlad goboleedkan Galmudug lagu dhaafiyo” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha la hadashay GalmudugMirror.

Dowladda federaalka ah ayaa qorsheyneysa in maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle hal mar laga wada saaro dagaallamayaasha Shabaab, si loo guda-galo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada kaasoo qorshuhu yahay in laga billaabo Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here