Taliyaha ciidanka xoogga oo gaaray magaalada Xarardheere
Taliyaha ciidanka xoogga dalka dowladda FS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin(Caddow), ayaa maanta gaaray magaalada Xarardheere ee dowlad goboleedkan Galmudug.
Saraakiill ka tirsan kuwa xoogga dalka iyo maamulka Xarardheere ayaa taliyaha ku soo dhoweeyay magaaladaasi ku taalla Koofurta gobolkani Mudug.
Waxaana uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha xoogga dalka ee degmada dekadda leh ee Xarardheere iyo sidoo kale saldhigyada degaannada hoos yimaada magaalada oo u badan kuwa ay gacanta ku hayaan ciidamada degaanka.
Kulankani ayaa looga hadlay weerarada ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta amaanka magaalada oo Janaayo 2023 lagala wareegay kooxda AS.
Kooxda AS ayaa dhawaan la wareegtay deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Mudug kuwaasoo horey kooxda looga saaray dagaallo faraha looga gubtay.
Khubarada dhanka ammaanka ayaa rumeysan in goobaha ay ciidamadu ka baxeen ay sidoo kale khalkhal geli karaan gacan ku haynta Xarardheere, taas beddalkeedna waxay ku warramayaan in haddii kooxda Shabaab laga sifeeyo koofurta Mudug ay ku adkaanayso inay sii heystaan bariga gobolka Galgaduud ee isla dowlad goboleedkan Galmudug.
GalmudugMirror
Gaalkacyo, Galmudug