Taliska Millateriga oo faahfaahiyay weerarkii Sh/Hoose

0
31

Taliska Millateriga oo faahfaahiyay weerarkii Sh/Hoose

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa faahfaahi dheeraad ah ka bixiyay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday oo ay maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka hortageen ciidanka milatariga oo kaashanaya kuwa boolis milataaro oo iyana qayb ka ah howlgallada ka socda halkaasi.

“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad ee Bolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta  ayaa a iska Caabiyay maleeshiyaadkii  weerarka  Nafla-caarinimada  ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay dowladda.

Taliyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dagaalkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isaga intaas ku daray in ciidamadu ay hayeen xogta weerarkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu tiro beel yahay, balse ay soo bandhigi doonaan xogta rasmiga ah ee waxyeelada gaartay.

Sarrreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ma soo hadal qaadin khasaaraha dhankooda soo gaaray, maadaama uu ahaa dagaalka mid culus oo ay ku dhinteen saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada ku sugnaa aagga lagu diraray oo u dhexeeya Muqdisho iyo Marka.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here