XOG: MW Deni oo ka maquurtay qorshihii Shariif & Farmaajo
Shirkii ka dhacay magaalada Garoowe ee madaxdii hore ee dalka iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidii la filayay aan noqon.
Taas ayaa lagu macneeyay in madaxweyne Deni uu ka maquurtay in madaxweynayaashii hore ee dalka uu la soo saaro bayaan wada-jir ah.
Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay bayaan kasoo saaray shirka Garoowe ayaa ku xusin wax weyn oo la iskula qaatay marka laga reebo in shirar wada-tashi oo kale la isugu imaan doono, ayada oo bayaanka ay ku xusnaayeen “labada madaxweyne” taasi oo ka dhigan in Deni uusan kula jirin bayaankaas.
Madaxweyneyaashii hore ayaa Bayaankan ay keligood kasoo saareen Garoowe, iyada oo uu ka maqan yahay hoggaamiyihii shirka marti-geliyay ayaa imaneysa kadib markii madaxdii hore iyo Saciid Deni is-faham buuran ka gaari waayeen arrimihii laga wada-hadlay, sida ay ogaatay shabakaddani GalmudugMirror.
“Madaxdu waxay isku afgarteen in la sameeyo guddi qaban-qaabo shirwayne wada,tashi oo ka shaqeeyaa farsamada iyo qabsoomidda shirka,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo akhrinayay bayaanka ka soo baxay shirka Garoowe ee madaxweynayaashii hore Shariif iyo Farmaajo.
Illo-wareedyo ka ag dhawaa dhinacyada ayaa sheegay in Saciid Deni iyo madaxdii hore ay isla qaateen hadda in keliya laga shaqeeyo curyaaminta qorshaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan weli is-faham laga gaarin isbaheysiga ay Shariif iyo Farmaajo wataan in uu dhankiisa uga soo biiro Saciid Deni, oo xilligaan saameyn siyaasadeed leh.
“Labada Madaxweyne waxa ay ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn ee lagu beddelayo dastuurka dalka, kaas oo halis gelinaya dowladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed,” ayaa qodob kamid ah bayaanka labada madaxweyne lagu yiri markale.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa u muuqda mid si kali ah u doonaya sed bursigiisa iyo waxa kaga maqan federaalka maadaama uu isku tuhmayo inuu ka fursad fiican yahay labadii madaxweyne ee hore.
Galmudugmirror
Garoowe, Puntland