Hay’adda Taya-dhowrka oo qabatay kunteenarro ay ku jiraan…
Hay’adda taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda weyn ee Muqdisho maanta ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuu ah kaas oo qorshuhu ahaa in lagu daroogeeyo dadka Soomaaliyeed, sida ay ku warrantay.
Sida warsidaha GalmudugMirror uu ogaaday badeecadani ayaa dekadda waxaa kala soo degayay rag ganacsato ah kuwaasoo magacyadooda aysan si furan u shaacin hay’addu.
Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa ku wareejisay Ciidanka Boliiska, si waajibaadkooda uga gutaan.
Hay’adda ayaa mar kale adkeysay in aan Dekadda iyo Garoonka Caasimadda laga soo daji karin gebi ahaan waxyaabaha maanka dooriya.l, kuwaas oo dhibaato ballaaran ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed iyo bulshada Qeybaheeda kale.
Waxaa ay sheegtay hay’addu in garoonka iyo dekaddaba aynaan ka soo degi Karin waxyaabaha maanka dooriya kuwaasoo la sheegay inay dhiirigaliyaan amni darrada magaalada caasimadda ah muddooyinkii dambe.
Tallaabadani ayaa ku soo aadaysa xilli taliyaha ilaallada nabadgalyada Xamar uu dhowaan sheegay inay la dagaallami doonaan waxyaabaha mukhaadaraadka ah si loo xaqiijiyo ammaanka caasimadda.
Galmudugmirror
Muqdisho, Soomaaliya