Somalia iyo Iran oo mar kale yeelanaya heshiis iskaashi

0
39

Somalia iyo Iran oo dib u soo celinaya xiriirkoodii diblumaasiyadeed

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in ay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelato jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan.

Taas ayaa ka dhigan in Xukuumadaha Muqdisho iyo Tehraan ay dib boorka kaga jafayaan madmadowgii in muddo ah u dhaxeeyay labada dowladood.

Labada dowladood ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay bilaabaan diyaarinta heshiisyo iskaashi oo dhexmara, sida ay wakaaladda wararka Iran ee IRNA ka soo xigatay safiirka Iran u fadhiya Nairobi, Ali Gholampour.

Safiirka Iiraan u fadhiya wadanka Kenya ayaa intaasi ku daray in xabsi ku yaalla Muqdisho laga sii daayay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay Iran, kuwaaso loo xiray inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya sannadkii hore.

Sanadkii 2016-ka ayaa Soomaaliya ay xiriirka u jartay Iiraan, iyadoo sabab uga dhigtay faragelinta joogtada ah ee Iiraan ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ay ugu horreyso diinta Islaamka.

Galmudugmirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here