Xamar: Dibadbax lagu taageerayo wax ka beddalka Dastuurka
Isu soo bax ballaran oo uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka qabsoomay magaalo madaxda dalka ee Muqdiosho.
Dibadbaxa ayaa lagu taageerayay hannaanka lagu dhamaystiraayo dastuurka federaalka Soomaaliyeed.
Ka qeyb galayaasha oo isugu jiray Ardayda, Haweenka dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa Banaanbaxan Shacabka kala qayb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ugu horeeyaan, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadal ka jeediyey Banaanbaxa ayaa tilmaamay in dhamaystirka Dastuurku tahay Shacabka Soomaaliyeed oo helay xuquuqdoodii, sidoo kalena Haya’addaha u xilsaaran Dastuurku wakiil ugu yihiin dhameystirkiisa.
“Soomaaliya waxaa dastuurka wakiil uga ah labada Aqal ee baarlamaanka, go’aanka iyaga ayaa iska leh, xubnaha diidan shaqada socota aragtidooda ha geeyaan kulamada Baarlamaanka.” Ayuu yiri guddoomiye Madaale.
Geeska kale, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka mid ahaa Madaxdii Shacabka kula hadashay Daljirka Dahsoon ayaa yiri “Qof kasta ha ogaado, dadka diidan dhameystirka dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado.”
Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan soo gabagabeeyey doodda waxkabadalka Dastuurka ee cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa lagu wadaa in dhawaan ay u codeeyaanan.
Siyaasiyiin ay ku jiraan madaxweyneyaal hore iyo raysal wasaareyaal hore oo kamid ah musharrixiintii ugu cadcadaa doorashadii madaxtinimada ee dhacday 15-kii bishii MAY ee sanadkii 2022-ka ayaa meel adag iska taagay hannaanka wax ka beddalka loogu sameeynayo dastuurka qabyada ahaa sanadaha badan.
Galmudugmirror
Muqdisho, Soomaaliya