Caabudwaaq: Xukun lagu riday ninkii dilay AUN wariye Bulxan

0
21

Caabudwaaq: Xukun lagu riday ninkii dilay wariye Bulxan

Maxkamadda gobolkani Galgaduud ayaa maanta xukun ku ridday eedeysane Cabdixakiin Maxamed Qareey kaasoo loo heysto inuu dilay marxuum wariye, samafale AUN Cabdikariim Axmed Bulxan oo kamid ahaa bahda warbaahinta.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud oo furay fadhiga ayaa weydiiyay eedeysane Cabdixakiin Qareey inuu dilkaasi geystay, wuxuuna ku war celiyay eedeysane Qareey in dilka uu isagu geystay islamarkaana si kas ah uu u dilay AUN Cabdikariin Axmed Bulxan.

Marxuum Bulxan, oo ahaa samafale in muddo ahna ka soo mid ahaa bahda saxaafadda gobolka ayaa qeyb ka ahaa rag u soo dhabar adeegay shaqada warbaahinta xilli aad u adkaa.

Eedeysane Cabdixakiin Maxamed Qareey, oo maxkamadda horteeda ka qirtay inuu isagu dilay marxuumka islamarkaana si kas ah uu dilkaasi u dhacay.

Geesta kale, waxaa uu dalbaday si dambiga uu uga dhaco, uu diyaar u yahay in loo qisaaso falkaasi.

Gebagebadii fadhigii maanta ayaa guddoomiye Hudeey waxaa uu ku dhawaaqay xukunka eedeysane Cabdixakiin Maxamed Qareey, wuxuuna sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan.

GalmudugMirror

Caabudwaaq, Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here