Dagaal faraha la isaga gubtay oo ka dhacay Xarardheere

0
25

Dagaal faraha la isaga gubtay oo ka dhacay magaalada Xarardheere

Dagaal faraha la isaga gubtay ayaa galabta ka dhacay duleedka magaalada dhacda xeebta koofureed ee gobolka Mudug ee Xarardheere.

Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray koox Shabaab ah oo la sheegay inay doonayeen inay soo weeraraan degmada Xarardheere.

Dagaalkii ugu cuslaa iyadoo afar jeer la isku rogaal celiyey ayaa ka dhacay halkaas, waxaana la sheegay in aad loogu jebiyey kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf ayaa GalmudugMirror u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen kooxda, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah.

Waxaa uu intaas ku sii daray in xubnaha ay ka dileen kooxda ay ku jiraan kuwo ajaanib ah, isla markaana dagaalkaas uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Mudug ay ku galaan Al-Shabaab.

Kooxda Alshabaab ayaa qorsheyneysay in ay dib u qabsato magaaladan Xarardheere oo gacantooda ka baxday horraantii sanadkii tegay ee 2023-ka.

Geesta kale, Dad ku sugan magaalada Xarardheere oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dagaalku uu ku soo dhowaaday magaalada, balse markii dambe la jebiyey Al-Shabaab oo khasaare badan lagu gaarsiiyey halkaas.

Sidoo kale, waxaa jira khasaare culus oo soo gaaray ciidamada deegaanka, waxaana magaalada Xarardheere la keenay meydad iyo dhaawacyo badan, sida shabakaddani GalmudugMirror u xaqiijiyeen dad ku sugan Xarardheere.

Dhiilo colaadeed ayaa caawa ka jirta aagga magaalada Xarardheere, waxaana degaankii lagu dagaallamay ku sugan ciidamada huwanta ah oo wada howlgallo ay ku baacsanayaan Alshabaab.

GalmudugMirror

Gaalkacyo, Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here