HINDIYA: Maxkamadaynta burcad baddeed Soomaali ah

0
16

HINDIYA: Maxkamadaynta burcad baddeed Soomaali ah

Koox burcad baddeed Soomaali ah oo dhowaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada badda Hindiya, ayaa ku eedeysan falal burcad badeednimo oo ka dhacay Badda-Cas iyo aaggeeda.

 Burcadda oo tiradoodu ay dhan tahay, 35 Muwaadiniin Soomaali ah oo Sabtidii la soo dhaafay laga dejiyey magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya, kaddib, markii gacanta lagu soo dhigay iyagoo afduubtay Markabka Ganacsiga ee lagu magacaabo MV Ruen.

Saldhiga Booliska ee The Yellow Gate Police Station ee magaalladda Mumbai ayaa dhallinyaradaasi lagu xiray waxaana  34 ka mid ah Axaddii la soo dhaafay ay ka soo muuqdeen Maxkamadda, ka hor inta aysan Xeer-beegtida Maxkamaddu amrin in 26 Eedeysane lagu sii hayo xabsi boolisku maamulo muddo 10 maalmood ah.

Bisha soo socota ee April 4-da ayaa la filayaa in 26-kaasi Eedeysane mar kale la soo taago Maxkamadda magaalladda Mumbai.

9 Eedeysane ayaan ka soo muuqan doonin Maxkamadda sababo la xiriirta iyadoo 8 Eedeysane sheegteen inaysan weli qaan-gaarin oo ay da’dooda ka hooseyso 18 sano, halka Eedeysane kale oo dhaawacan lagu daawaynayo Isbitaalka lagu magacaabo Sir J.J. Hospital ee Mumbai.

Warar ayaa tilmaamaya in 8-da Eedeysane ee aan qaan-gaarin la dejiyey Hoy lagu hayo dadka da’da yar (An Observation home for minors) inta laga xaqiinayo da’dooda saxda ah.

Geesta kalena, Vishwajit Singh oo ah qareen ayay Safaarada Soomaaliya ee dalka Hindiya u wakiilatay inuu difaaco eedeysanayaasha Soomaalida kuwaasoo loo heysto fal burcad baddeednimo oo ay ku kaceen.

Vishwajit Singh oo Axadii hore ka hor hadlay Maxkamadaynta Eedeysanayaasha ayaa sheegay inay badankooda yihiin Xoogsato aan wax Dembi ah lahayn.

Sidoo kale, Muwaadin Soomaali ah oo haatan wax ka barta magaalladda Pune ee Gobalka Maharashtra ee Galbeedka Hindiya ayaa loo doortay inuu Turjumaan u noqdo Eedeysanayaasha Soomaalida, si uu u fududeeyo Wada-xiriirka dhanka Luqadda ee Xeer-beegtida Maxkamadda iyo Eedeysanayaasha.

Garsooraha Khaaska ah  A.M. Patil ayaa isagana sheegay in Su’aal Weydiinta Eedeysanayaasha Soomaalida lagu ogaanayo doorkooda saxda ee Dembiyada lagu soo eedeeyey.

Wareega Labaad ee lagu maxkamadeynayo Burcad-baddeeda Soomaalida ayaa la shaaciyey in la dhegeysan doono bisha soo socota ee April 4-da, iyadoo 26 Eedeysane ka soo hor muuqan doonaan.

Muddooyinkii dambe waxaa qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhow ka dhacayay falal burcad beddeednimo kuwaasoo muddo sanado ah yaraaday kaddib markii la kordhiyay dagaalka ka dhan ah kooxahaasi oo marakaab badan horay u afduubtay madax furashana ka qaatay.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here