DF oo war ka soo saartay dagaallo lagu jabiyay Shabaab

0
25

DF oo war ka soo saartay dagaallo lagu jabiyay Shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaallo qaraar oo jab xooggan loogu geystay argagixisada Alshabaab kuwaasoo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool oo ka kala tirsan bartamaha iyo koofurta dalka.

Hawlgalka koowaad; in ka badan 40 Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo Khawaarijta ay isku aruursanayeen iyaga oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere.

Hawlgalka labaad; in ka badan 35 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan ayaa lagu bartilmaameedsadaymaleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee soo weeraray deegaanka Daaru-Nicma .

Hawlgalka Seddaxaad; Lix ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay hawlgal lagu bartimaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta caadeysatay dhibaateynta shacabka ee ka waantoobi waaya falalka wuxuushnimada ah.

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here