Shariif iyo Farmaajo oo u digniin u diray Xasan Sheekh

0
30

Shariif iyo Farmaajo oo u digniin u diray Xasan Sheekh

Madaxweyneyaashii hore ee dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay Natiijada la sii og yahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida ah  30ka Maarso 2024, ay tahay mid sii caddayneysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa ay hoosta ka xariiqeen in madaxweynaha talada haya uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah..

 “Qorshaha haatan socda ee Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu kula wareego awoodaha Baarlamaanka iyo Guddoonka Labada Aqal ee la xisaabtan la’aanta xukuumadda, doorka hoggaamineed ee Ra’iisul-Wasaarah iyo hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan masuuliyadaha heer xukuumadeed iyo heer dowlad-goboleed ee soo xulista Guddiga Doorashooyinka waa mid caddeyn u ah nooca dastuurka iyo doorashooyinka uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud” ayay ku yiraahdeen warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen.

Labada madaxweyne Farmaajo iyo Shariif ayaa nasiib darro ku sifeeyay in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

Waxaa sidoo kale tilmaamay uu guddoonka baarlamaanka federaalku ay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, sidaas awgeed waxa uu ugu baaqay in ay ka waantoobaan, kuna soo celiyaan Golaha shaqada ay wakiilka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ah ilaalinta sharciga iyo midnimada dalka.

“Dastuurkan la rabo in lagu meel mariyo hanaan sharci darro ah, oo aanan haysanin aqbalaad bulsho, iyo heshiis umadeed, marnaba uma aqoon doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga”.

“Go’aan kasta oo baalmarsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, heshiiska siyaasadeed ee Madasha Qaranka oo markii horeba ay ka maqnayd Puntland iyo habraac si fowda ah loogu codeeyey oo aan heshiiska lagu aheyn ee Guddoonka Baarlamaanku ay ku doonayaan in ay ku meel mariyaan hindisaha halka dhinac ah ee dastuurka, waxa uu noqonayaa mid aan sharciyad haysanin”.

 “Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena” ayuu Hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne hore Farmaajo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli, maalinta berri ah loo madlan yahay in baarlamaanka labadiisa aqal ay u codeeyaan afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka KMG ah kuwaasoo wax ka beddal lagu sameeyay iyadoo weli siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ugu tun weyn yihiin madaxweyneyaashii raysal wasaraareyaashii hore ay ka biyo diidan yihiin hannaanka loo maray wax ka beddalka dastuurka oo ay ku sheegeen in uusan ku imaan talo la isla oggol yahay.

Wabillaahi Al-towfiiq

GalmudugMirror

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here