XIL. Odawaa oo jawaab kulul siiyay Shariif & Farmaajo
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana kamid ah jilib culusta kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo ay qaadayeen maalmihii dambe madaxweyneyaashii hore ee dalka Shariif Axmed iyo Maxamed Farmaajo.
Odawaa waxaa uu sheegay in tallaabadii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo sidoo kale si cajiib ah ugu jawaabay madaxweynayaashii hore ee dalka Farmaajo iyo Sharfiif.
Ugu horreyn Odowaa ayaa boggaadiyay wax ka beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, dhanka dowladnimada.
Intaas kadib xildhibaanka ayaa u jawaabay Maxamed Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo labaduba ka biyo diidan talllaabadan oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.
Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in labada madaxweyne hore ay hadda yihiin laba xildhibaan, loogana baahnaa inay kulanka yimaadaan oo ay ra’yigooda dhiibtaan.
Labada madaxweyne ee hore ee aniga qadarin baa u hayaa waa laba xildhibaan marka waxa ay ahayd in maanta inay yimaadaan halkan oo ay ka codeeyaan” ayuu yiri Odowaa isagoo sheegay in xildhibaannadu ay isku fac yihiin islamarkaana, ay leeyihiin cod kaasoo ay wax ku diidi karaan ama ku yeeli karaan.
Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah kooxda aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay waxa ay guul ka gaareen arrinta dastuurka oo ay muddo ka taagnayd dood.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xubnaha mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Farmaajo iyo Shariif ay kasoo horjeesteen wax ka beddelka dastuurka, waxaana dhankeeda tallaabadan qaadacday Puntland oo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowlada dhexe.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya