Xildhibaan mucaarad ahaa oo loo magacaabay xil culus
Digreeto laga soo saaray xafiiska madaxtooyada qaranka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu ergey cusub oo arrimaha caafimaadka ah u magacaabay xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka JFS.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaar ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah i in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.
Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.
Xildhibaan Cabdirashiid Jilley ayaa kamid ahaa xildhibaannada gollaha shacabka ee mucaaradsanaa shaqada xukuumadda, isagoo dhowaanahan Villa Somalia ku eedeynayay inay ka shaqeyneyso wax aan dan u ahayn dalka iyo dadka.
GalmudugMirror
Muqdisho, Soomaaliya