MW Xasan oo dib ugu laabanaya furimaha dagaalka
Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu dib ugu laabto furimaha hore ee dagaalka kaddib bisha Ramadaan.
Shabakadda GalmudugMirror waxaa ay ogaatay in madaxweynuhu uu soo degayo magaaladan caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareeb oo sanadkii horena uu ka hoggaamiyay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Sida la qorsheeyey hadii aysan wax iska bedelin, madaxweynuhu wuxuu Dhuusamareeb u soo guurayaa 10-ka bishaan April, waxaana toos u billaabanaya howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Saraakiisha dhanka ammaanka kala talisa ayaa madaxweynaha u soo jeedisay inay muhiim tahay in dhulka Galmudug degdeg looga abaabulo dagaal ka dhan Al-Shabaab.
Villa Somalia ayaa mar kale qorsheysay in Xasan Sheekh uu ka guuro Muqdisho oo la soo dejiyo Dhuusamareeb, si geed fadhi aan howlo kale ku mashquulin uu ugu noqdo dagaalka Al-Shabaab.
Inta ka dhiman bishaan Ramadaan ayuu Xasan Sheekh sii joogayaa Muqdisho, waxaana hadda socda abaabul xoog leh, si howlgalka loo bilaabo ‘bacdul Ramadaan.’
Ciidamada dowladda ayaa ku jabay dagaallo ka dhacay degaannada Caad iyo Cowsweyne, waxaana aad u yar tirada ciidamada abaabulan xiligaan, balse waxaa jirta xog sheegeysa in qorshaha howlgalka dhanka duqeynta loo weeciyey.
GalmudugMirror waxaa ilo amni ay u sheegeen in Dowladda Turkiga ay dowladda Soomaaliya ka balan-qaaday in Shabaabka jooga Galmudug ay duqeyn ku leyneyso, rajada la qabo iminka ayaa ku soo aruurtay duqeyntaan, doorka ciidamada ayaa hadda kadib noqon doona nadiifin, kadib markii la duqeeyo deegaanada ay argagixisadu joogto.
Ciidamada ugu muhiimsan ee dowladdu ku tashato waxay ahaayeen Gorgor oo labo guuto ka kooban, labo urur oo Gorgor ah oo aad u abaabulan ayaa joogta Xarardheere, balse ururradii kale ee Gorgor waxay ku jabeen dagaalladii Caad iyo Cawsweyne, waxayna u qeybsameen qaar dhintay, qaar baxsaday, qaar loo heysto gaadiidkii la furtay iyo hubkoodii oo maxkamad sugayaal ah iyo qaar iyagoo niyad jabay ku sugan degmada Wisil ee gobolka Mudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalin ka hor soo gaaray degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ayaa ballan qaaday in dib loo billaabayo dagaalka Alshabaab looga sifeynayo guud ahaan dowlad goboleedkani Galmudug.
GalmudugMirror
Dhuusamareeb, Galmudug