Ugaaska Cayr oo go’gol nabadeed ka furay deegaanka laas-xaadow oo dhawaan beelo walaalo ah dirir ku dhexmartay.

0
47

Ugaaska Cayr oo go’gol nabadeed ka furay deegaanka laas-xaadow oo dhawaan beelo walaalo ah dirir ku dhexmartay.

 Deegaanka Laas xaadow oo dhawaan uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeya beelo walaalo ah isla markaana sababay dhimasho iyo dhawaac ayaa waxaa halkaasi ku baxay Ugaaska beesha Cayr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas nuur   , Odayaasha dhaqanka ,Guddoomiyaasha degmooyinka  Guriceel iyo dhuusamareeb  Mudane Farah Abdi Mo,allim,  Gudoomiye Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qoroow,taliyaha qaybta police-ka Gal-mudug iyo saraakiilsha ciidamada iyo culimmaa-uddiin ayaa deegaanka laas xaadow waxaa lagu furay madal looga goleeyahay xalinta khilaafka laba beelood oo mudooyinkii danbe soo laab laabanayay.

Go’goshaan oo in mudaa madlaneed waxaana haatan dhigay  ugaas xasan waxaana looga goleeyhay in lax waara laga gaaro shaqaaqooyinkaan soo laab laabtay.

Gudoomiyaasha degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa si dhaw kala shaqeeyay qabsoomida go’goshaan waxaan kulanka manta looga hadalay siodii ciidamada loo kala qaadi lahaa si xaajada toos loogu galo.

Guddoomiye Farah oo madashan ka hadlay ayaa tilmaamay in la joojiyo dhib walba oo ka dhex dhaca walaalahan shayddaanku ka dhex adeegay.

Taliyaha booliska Galmudug ayaa tilmaamay in ciimada haatan ku sugan deegaanka ay ka shaqeynayaan sidii nabad loogu joogi lahaa waxkasta oo tabasho ahna waqtigeena lagu tagi doono.

Deegaanka laas xaadoow ayaa horay waxaa ugu dhintay sadax ruux waxaana laga gaaray heshiis iyadoona lakala qaatay mag iyo xaal balse dhacdadii ayaa wali sii socota .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here