Daawo maamulka dhuusamareeb oo ka hortagaya fatahaad ka dhalan karta daadadka roobka.

0
59

Daawo maamulka dhuusamareeb oo ka hortagaya fatahaad ka dhalan karta daadadka roobka.

Maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, oo kaashanaya maamulka iyo bulshada xaafadaha Dayax ,Waxaracade, ayaa bilaabay dadaalo looga gaashaamanayo Fatahaadaha ay keenan roobabka  la filayo dhawaan in ay  ka da’a Caasimadda in laga hortago dhibaatooyin kale oo fatahaaduhu sababan aysan dhicin u diyaar garowga digniinaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka ee ku aaddan cabsida laga qabo daadad iyo fatahaaddo ka dhasha Roobab Mahiiggaan ah oo ka di’i doonna Gobollada kale duwan ee dalka.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Dhuusamareeb Dr Cabdisamad Salaad Aadan, ayaa kormeeray goobo ey kasocotay shaqada Dayaxtirka biyaha xireenka magaalada dhuusamareeb .

Sidoo kale Agaasimaha Howlaha guud iyo Dhulbixinta dowladda hoose ee Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb Mudane Abdulqadir Nuur Mohamed (Ogaal) ayaa ka warbixiyay shaqada socota waxa uuna bulshada Caasimadda ugu baaqay in ay maamulka ku garabsiiyaan shaqadda iyo dadaalada xalka loogu helayo maraynta iyo ka hortaga daadadka.

Diyaar  garoogaan ayaa ku soo Adaya xili dhawaan la filayo in ay bilaawdaan roobka waxaana jirta intabadan in roobabka ay saameyn ku yeeshaan magaalada dhuusamreeb bulshaduna ay kala kulanto dhibaato kale .

Halkaan ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here