Puntland oo ka hortimid ceyrinta Safiirka Itoobiya iyo laalista Qunsuliyadaha Garoowe iyo Hargeysa.
Tan iyo markii dowlada soomaaliya ay soosaartay aamirtii lagu laalay diblumaasiyada Itoobiya iyo soomaaliya laguna eryay safiirkii dowlada itoobiya lagu xiray qunsuladii Garoowe iyo Hargeysa ayaa maamulka Puntland waxa uu soo saaray war uu kaga jawaabay go’aanka dowlada soomaaliya kuna aadan xiriirka itoobiya.
Qoraalka ay soo saaratay Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsanaa sida tan “Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya,” ayey tiri Puntland.”
Arintaan ayaa sii murjineysa xiisada itoobiya soomaaliya kadib markii itoobiya ay kulan dibadeed la yeelay puntlada oo ka dhacay Adisababa Itoobiya horayna ay soomaaliland heshiis beenaad kugala gashay biya soomaaliya,
Sidoo la;e arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan Baarlmaanka uu meemariyay dastuur cusub oo ay yeelan doonto soomaliya uuna saxiixay madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh Maxamuud ayna ka biyadiideen Mucraacadka dowlada iyo Maamulka goboleedka Puntland.
Warsaxaafadeedka Puntland