Wax badan ka ogaaw guulihii Galmudug ey ka dhaxashay daganaashihii siyaasadeed oo ay soo martay….

0
66

Wax ka ogaaw guulihii Galmudug ey ka dhaxashay daganaashihii siyaasadeed oo ay soo martay..

Galmudug oo soomartay marxaladu kala duwan ayaa waxa ay haatan u muuqataa in ay ka soo kabaday dhibaatooyin iyo hagardaamo siyaasadeed oo in mudaa ay la dhibaneed .

Balse doorashii Sanadkii 2020 bishii Febaraayo 2 dii lagu doortay Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor ayaa waxa ay ka soo gudubtauy marxaladii is jiid jiidka waxaana ka curatay daruur daganaasho siyaasadeed taas oo suurta galisay in ay Galmudug gaartay dhowr guulood oo is daba jog ah sida geedi socodkii dowlad dhiska soomaaliya ee Galmudug1,Galmudug2, Galmudug3, Galmudug4 oo  shirarkii loogu gogol xaarayay  doorashadii madaxtinimo ee soomaaliya oo  ay hareysay  dood iyo kala aragti duwnaasho siyaasadeed taas oo Galmudug ay door aan la dhayalsan karin ka qaaday in si midnimo iyo wadar ogol ah dalka kaga qabsoomtay,

Hagaajinta sharciyad dowlada iyadoona baarlamaanka dowlada Galmudug uu hagajiyay in kabadan 21 sharci oo uu saxiixay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye.

Waxaa sidoo kale Galmudug tilaabsatay hormarinta hay’adaha dowlada iyadoona wasaaradaha kala duwan ay gaarsiisay in ay helaan xarumo loogu adeego bulshada iyadoona inta badan ay dhamaadeen oo haatan ay ku howlgalaan wasaaradaha dowlada halka qaar kalana ay howshoodu socoto.

Galmudug waxa ay yeelatay Qasri looga arimiyo Galmudug oo aan oray looga dhisin gudaha soomaaliya taas oo ku tusineysa in ay Galmudug ka guurtay wax yaabihii loo tiirin jiray ee ahaa dad aan ka shaqeyn hor marka deegaanka.

Waxaa sidoo kale hoos loo daa dajiyay hanaanka dowlada iyadoon ku dhawaad 7 degmo laga sameeyay golo deegaan oo maamulka degmooyinka soo doortay iyo gudbinta adeegyada dowlada sida biyaha ,caafimaad , waxbarshada iyo arimaha garsoorka bulshada.

Galmudug waxa ay waqti u heshay in ay xoreyso deegaano in badan gacanta ugu jiray cadwga Alshaab oo dhibaato badan ku haayay  kooxdaan argagixisada ah deegaanaanada la xoreeyay waxaa ka mid ah Degmada Xarardheere , degmada ceel dheer iyo deegaano farabadan oo dhiig badan loo daadiyay balse manta ku naaloonaya farxada iyo neecawda dowladanimada, waxaana hada ALshaab gacantooda ku hartay hal degmo oo ah Ceelbuur iyo deegaano far ku tiris ah .

Galmudug waxa ay dowr fiican ka gashay dadaalka waxbarashada ubadka soomaaliyeed iyadoona sanado is xigxiga kaalmaha koowaad ka shay imtixaanka mideysan ee dalka iyo hagaajinta daraasada iyo maamulka waxbarshada Galmudug.

Galmudug sidoo kale waxa ay guulo waa weyn ka soo tartanka guud ahaan ciyaaraha soomaaliya iyadoona Snadkii tagay qaaday koobka ciyaaraha maamul goboleedyada ioyo gobolka Banaadir dowlada Galmudug ayaa dowrweyn ka qaadatay sidii guushaas loo xaqiijin lahaa.

Sidoo kale madaxda dowlada Galmudug ayaa ku howlan sidii ay bulshada Galmudug u soo dooran lahaayeen Madaxdooda xili dhamaadka sanadkan la filaayo in Galmudug ay ka dhacdo doorasho isku sidkan.

Laxariirta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here