Faahfaahin: Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Jowhar

0
27

Faahfaahin: Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Jowhar

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaare xooggan oo ka dhashay dagaal xalay ka dhacay afaafka hore ee aqalka madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

Ciidamo ka wada tirsan kuwa illaalada madaxtooyada ayaa la sheegay inay u dhaxeysay shaqaaqadani.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay isku dhaca ciidamadani ku dhexmaray magaalada Jowhar waxaana jira tiro dhaawacyo ah oo isbitaalka dhexe ee magaalada la dhigay kuwaasoo kamid ah askartii dirirtay.

Warar ayaa sheegaya in qof shacab ah uu dhaawac ka soo gaaray kaasoo ka ag dhowaa halka ay ciidanku ku dagaallameen ee afaafka hore ee madaxtooyada Hirshabeelle, waxaana halkaas weli laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah.

Waxaa soconaya dadaallo ay wadaan saraakiisha ciidanka ugu sarreysa iyo masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle kuwaasoo xiisaddani ku baxay.

Illaa iyo iminka ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda ugu sarreysa maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan isku dhaca labada ciidan ee ka wada tirsan illaalada madaxtooyada, kaasoo si weyn looga dareemay magaalada Jowhar.

Horay sidaan oo kale waxaa aagga Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ugu dagaalamay ciidamada HirShabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, wallow mar dambe la xalliyay xiisaddooda.

Jowhar waxaa sidoo kale mararka qaar ka dhaca falal amaan darro oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay gaystaan xubnaha kooxda Al-Shabaab iyo kuwa kale oo ay gaystaan maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo ku sugan gudaha magaaladaasi.

GalmudugMirror

Jowhar, Hirshabeelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here