Nabadoon Cabdi Daahir Daa-uud oo kamid ahaa wagaradka ugu caansan degmada xeraale ayaa lagu dilay degaanka laanqaylo oo hoos taga degmada xeraale gobolka galagaduud.ee waqooyiga gobolka galgaduud ayaa saakay lagu dilay gurigiisa sida ku soo waramayaan illo dadka degaanka.
Dilka nabddoonka ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka laanqaylo oo hoos taga degmada xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa intaa ku daraya in naddoonka xiliga la dilay uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal degaankaasi Laanqaylo waxaana kooxdii falka gaystay la sheegay in ay goobta isaga baxsdeen kadib markii ay dileen.
Inta badan deegaanada Gobolka Galgaduud ee Galmudug waxaa kusoo laab laabta dilalka suntan aanooyinka qabiil kuwas oo lagu dilo dad aan waxba galabsan ayna ka mid hihiin nabadoonada’ carruurta cuqaasha iyo ganacsatada degaanada Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa wali guulo la taaban karo ka gaarin wax ka qabashada iyo xal u hellida dilalka suntan aanooyinka qabiilka ay isku gaytaan dadka reer miyigaa.
Laamamaha Amaanka oo shaqdooda tahy ilaalinta badqabka shacabka ayaa taga inta badan goobaha uu falka ka dhaco hase-yeeshee aan guulaysan soo qabashada danbiilayaasha dilka geysata
Sidaan toddobaadyo ka hor waxaa deegaanka jiicmaluug ee hoostaga degaanka Laas-xaadow ee Gobolka Galgaduud Aano qabiil loogu dilay hal qof halka lagu dhaawacay mid kale.