Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Galmudug oo ka digtay khasaaro ka dhalan kara roobabka dhawaan la filayo…
Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Galmudug ayaa waxa ay soo saartay warlagin shacabka Galmudug looga digayo qataraha ka dhalan kara roobabka xoogan oo dhawaan la filayo in an ka curtaan guud ahaan deegaanada Galmudug, si looga hortago qataraha fatahaadaha iyo saameynta roobabka.
Wasaaradda oo saa saaratay war qoraal ah ayaa lagu sheegay sida tan “Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Galmudug waxaa idin la wadaagaysaa DIGNIINO ku aadan Suurta Galnimada in Roorabab xogan oo khasaaro gaysta ay ka da’aaan Galmudug.
Roobabkii Dayrta ee Da’ay November iyo December 2023, ayaa noqday kuwo waxyeelo xoogleh u gaystay Dadka iyo Hantida Somaliyeed gaar ahaan Reer Galmuudg, waxaayna si gaar ah dhibaato u gaarsiiyeen dadka barakacayaasha ah.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in ay da’aan roobab xadigoodu uu badan yahay waxaana la saadaalinayaa inuu ka sareeyo roobkii caadiga ahaa ee xiliga GU ga kaas oo ku beegan bilaha April iyo May.
Sida ay muujinayaan dhamaan xogta saadalinta xadiga roobka ee ay sameeyen Hayadaha Dowladda iyo kuwa UN ka waxaa laga cabsi qabaa in roobabkaa ay ka dhashaan daadad waxyeelo u gaysan kara Dadka, Dunyada, Hantida maguurtada ah iyo isku socodka sigaar ah waxay samaynta ugu xoogan ku yeelankaraan dadka barakacayaasha ah ee ku nool cooshada ama buushashka yaryar ee xeryaha barakacayaasha waxaana sidoo kale kordhikara Cudurada ka dhasha biyaha.
Hadaba Muwaadin udiyaargarow qataraha ka dhalan kara roobabka adigoo Alle tala saaranaya.
1. Ha dagin oo ka fagow meelaha biyo mareenada ah iyo meelaha godan ee biyo fariisiga leh.
2. Ha xirin meelaha biyuhu maraan iskuna day aad furtid biyo mareenka kuu dhow.
3. Si taxadar leh ulasoco xadiga roobka oo iska xir meelaha guriga biyuhu kaso gali karan.
4. Ka fogow biraha iyo Fiilooyinka korontada hana cuskan bir ama fiilo inta biyuhu socdaan.
5. Shirkadaha korantadu waa in ay hubiyaan in aysan isticmaalin baalayaal biri ah.
6. Iska ilaali godadka musqulaha ama bulaacadaha waxaa dhicikara in ay kula duman.
7. Ha dhexmarin biyaha daadka socda waxay Qatar galinkaraan naftaada.
8. Ka ilaali caruurta in ay dhexgalaan ama ay ku dabaashan biyaha roobka.
9. Ka digtonow in aad biyaha roobka ka cabto meelkasta waxaa laga yabaa in ay wasakhaysanyihiin waxaana ka dhalankara cuduro fadlan is ticmaal biyo nadiif ah.”
Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Galmudug ayaa markasta waxa y u taagantahay sidii shacabka Galmudug ay ugu bad qabi la haayeen saameynta qataraha iyo yareynta macluusha iyadoona inta badan Galmudug u diyaar garowday ka hortaga saameynta roobabka.