Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabil sanaa soomaaliya  Catriona Lainga oo kulan sagootin ah la qaadatay madaxweynaha Galmudug

0
29

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabil sanaa soomaaliya  Catriona Lainga oo kulan sagootin ah la qaadatay madaxweynaha Galmudug

Kulan sagootin ah oo ay maanta la qaadatay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabil soomaaliya  Catriona Laing ayaa looga hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka Soomaaliya iyo dhismaha xarumaha Qaramada Midoobay ee magaalada Dhuusomareeb iyo sidii loo dar dar galin lahaa dhameystirka xaruntaas iyadoona Galmudug kaga mahad celisay sida wanaagsan oo ay kaga go antahay hirgalinta xafiiska qaramada midoobay ee soomaliya ay galmduug ku yeelan doonto si loo dar dargaliyo howlaha taageerada qaramada midoobay ee Galmudug.

 sidoo kale waxa ay ugu hambalyeysay sharciga Galmudug ee mamnuucaya dhammaan noocyada gudniinka gabdhaha, taas oo la rumeysan yahay in uu gabdhaha soomaaliyeed uu dhibaato xoogan ku yahay dhawaana ay wasaaradda haweenka Galmudug ay ku guuleysatay hagaajinta sharcigaan balse dowlada looga fadhiyo in uu dhaqan galo.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabil soomaaliya  Catriona Laing ayaa waqtigii ay soomaaliya ka how galeysay ayey qabatay shaqooyin farabadan taas oo ay ugu muhiimsaneyd arimaha taageerada Bulshada rayidka Soomaaliya , xooginta gargaarka baniaadamnimo iyo xoojinta howlaha siyaasada iyo dhib u dhiska ciidamada xooga soomaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabil soomaaliya  Catriona Laing ugu mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ula shaqeysay intii ay joogtay xafiiska isagoona balan qaaday dhameystirka howlaha xafiiska qaramada midoobay Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here