WAR DEG DEG AH- Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay waqooyiga gobolka galgaduud….

0
69

WAR DEG DEG AH- Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay waqooyiga galgaduud….

Ugu yaraan 7 qof ayaa geeriyooday halka toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal  saacado xiriir ah ka socday  degaan lagu magacaabo jabsiile oo u dhexeeya deegaanada Hul-kujir iyo Qalanqalle ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya degaankaasi ayaa kusoo waramaya labada maleeshiya beeled ay isu adeeg sadeen hubka culus waxaana dhaawacyada labada dhinac loo kala qaaday degmooyinka.

Caabudwaaq iyo Xeraalle ooo ay ka soo kala jeedaan dadka drirtu u dhexeyso.

Dagaalkan ayaa daba socdo aano qabiil ka dib maalmo ka hor markii halkaas lagu dilaya nabadoon ka soo jeeda xeraale oo deegaanka caan ka ahay islama markaana nin kale aano qabiil loogu dilay isla deegaanka.

xaaladda degaanka Jabsiile ayaa haatan yara degan waxaa wali isku hor fadhiya labada maleeshiya beeleed iyadoona ay halkaas gaareen gurmadyo kala duwan oo kaabaya dhinacyada dagaalamay .

Wali dagaalaka manta dhacay dowlada Galmudug kama aysan hadalin waxaan la rumeysanyahay in waqti kasta uu halkaasi ka dhici karo dagaal kale sidoo kale isgaarsiinta ayaa aad ugu liidata goobta uu dagaalka ka dhacay.

Wixii ka soo kaordha halkaan kala soco .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here