Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa wax dambi ah ku weysay Taliyaha Saldhiga Boliiska Garoonka Aadan Cadde G/dhexe Cabdifitaax Bashiir Cali, kadib eed loo soo jeediyay.

0
41

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa wax dambi ah ku weysay Taliyaha Saldhiga Boliiska Garoonka Aadan Cadde G/dhexe Cabdifitaax Bashiir Cali, kadib eed loo soo jeediyay.

Maxkamadda ayaa xustay in G/Dhexe  Cabdifataax Bashiir Cali uu horyimid Maxkamadda Gobolka Banaadir Tr.28/04/2024, waxna laga waydiyay kiiska loo haystay, isla markaana ay Maxkamadda u cadaatay in uusan wax lug ah ku lahayn kiiska lagu eedayay.

G/Dhexe Cabdifitaax Bashir Cali ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir  horey  ku  eedeeysay in uu ka  hor-yimid amarka  garsoorka, uuna diiday inuu joojiyo dhul lagu muransan yahay oo markaas la sheegay in sifo sharci darro ah looga dhisanayo xeyndaabka garoonka Aaddan Cadde. Qoraal kasoo baxay maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri .“Maxkamadda ayada oo cuskaneysa asbaabta sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka kumeel-gaarka gudaneysana waajibka saaran ee ku xusan qod 76,77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedka ciqaabta ah ee sumadiisu tahay MGB/DCL/576/2024.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale baabi’isay waaranka soo qabasho ee 25-kii bishaan loo jaray Taliye Cabdifataax Bashiir Cali. Waxaana go’aanka la gaaray maanta oo taariikhdu tahay 29/04/2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here