Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug oo 40 wariye tababar aqoon kororsi ah ugu furtay magaalada Gaalkacyo
Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Ayaa maanta Tababar Aqoon kordhin ah uga furtay Magaalada Galkacyo ku dhawaad 40 wariye oo ka kala yimid guud ahaan deegaanada Galmudug .
Tababarkaan oo iska gaashanayaan Irc iyo Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug waxaana wariyaasha lagu barayay tababar ku saabsan Horumarinta Xuquuqul Insaanka wuxuuna socon doona Muddo 3 cisho ah waxaana magaalada Galkacyo maanta looga furay Afartan wariye oo ka kala yimid Cadaado dhuusamareeb bangeele caabudwaaq Gurceel iyo Galkacyo.
Waxaa Furitaanka tababarkaan ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha wasiirada iyo baarlamaanka Galmudug iyo masuuliyiinta Maamulka dagmada Galkacyo .
Ku xigeenka Duqa dagmada Galkacyo Maxamed Cabdi Cilmi ayaa ugu horeeyn ka hadlay furitaanka tababarka isagoona la dardaarmay saxafiyiintii tababarka loo furay manta.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Caddaalada Galmudug Maxamuud Guure Guuleed iyo wasiiru dowllaha wasaarada arimaha gudaha Galmudug Cumar maxamed diiriye ayaa iyaguna bogaadiyay tababarka iyagoona xusay in uu ahmiyad gaara u leeyahay ka maamul ahaan .
Ugu danbeyntiina Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug Abshir Cabdi Sheekhoow ayaa ka warbixiyay ujeedka tababarka isagoona sheegay in uu qeyb ka yahay qorshayaasha wasaarada ee ku aadan sare u aqaadida aqoonta saxafiyiinta ka howlgala Galmudug isagoona kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan tababarka.