Mareykanka iyo Ingirisska oo Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ka codsaday in ey Aqbalaadda Xabadjoojinta Israa’iil ku baaqaday ee Gaza.

0
32

Mareykanka iyo Ingirisska oo Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ka codsaday in ey Aqbalaadda Xabadjoojinta Israa’iil ku baaqaday ee Gaza.

Maraykanka iyo UK ayaa ku baaqay  ururka Xamaas inay aqbalaan  soo jeedinta Israa’iil ee ku aaddan xabbad joojinta dagaalka Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah la maxaabiista ay gacanta ku hayso, kuwaas oo sugaya in ay dib ugu laabtaan qoyskooda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa Isniintii sheegay in soo jeedinta Israa’iil ee loo gudbiyay Xamaas ay ka mid tahay in 40 maalmood oo xabbad joojin ah laga sameeyo marinka Gasa iyo in la sii daayo kumannaan kun oo maxaabiis falastiiniyiina ah si loogu badasho qaar ka mid ah la haystayaasha Israa’iil kuwaas oo gacanta ugu nira dagaal yahanada Hamaas ee Gaza.

Isagoo ka hadlayay Isniintii shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka oo ka dhacay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh,ayuu yiri “Waxaan rajeynayaa in Xamaas ay aqbasho soo jeedinta Israa’iil,”wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dagaalku uusan dhammaan doonin ilaa dhammaan maxaabiista la sii daayo taasna ay tahay mid sii mur jineysa xiisada u dhexeysa israa’iil iyo Xamaas.

xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa asna sheegay inuu rajaynayo in Xamaas ay aqbali doonto soo jeedinta xabbad-joojinta, ” Waxaan ku rajo weynahay inay qaadan doonaan go’aanka saxda ah,” ayuu yiri Blinken.

Qadar iyo Maraykanka ayaa muddo bilo ah ka shaqaynayay sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen Israa’iil iyo Xamaas, balse dhaqdhaqaaq diblumaasiyadeed oo maalmihii la soo dhaafay si xoog leh u socday ayaa u muuq in dalal badani ay dabada ka riixayaan in la hakiyo dagaalka ku dhawaad ​​7 bilood oo ay colaaddu socatay kadib.

Arinta Xamaas iyo israa’iil ayaa u muuqata mid aan dhamaad lahayn taas oo wadamada caalamka ay ku walaacsan yihiin xalka mashaqada Gaza halka wadamada Qaarna ay u sacaba tumayaan in xiisadaan ay sii socoto iyadoona ay ku dhinteen dagaaldaan dad aan u farabadan oo iskugu jira israa’iiliyiin iyo shacabka Falastiin iyadoona israa’iil ay gumaad xoogan ka geystay Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here