Maxaa ka cusub deegaanka Sabiib oo saakay dagaal xoogani ka dhacay….

0
27

Maxaa ka cusub deegaanka Sabiib oo saakay dagaal xoogani ka dhacay….

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday iyo dagal toos oo xigay oo  ay xalay kooxda ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib oo  ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa  mid  qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray Al-Shabaabkii weerarka kusoo xirada ciidamada   iyo ciidanka dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Xogo aan helayno ayaa tilmaamaaya  in dagaalka uu socday wax saacad ka badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse macadda ilaa hadda  khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan halka weerarka uu ka dhacay  ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar ay  Al-Shabaab kusoo qaadeen kaas oo sida ay sheegeen qaraxyo ku bilowday laakiin aysan u fulin sidii ay u talagaleen mana u suuroobin kooxda dhagar qabayaasha ah Al-Shabaab in ay gudaha xerada soo galaan .

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa guulo xoogan ka sheegatay weerarka ay ku qaadeen  saldhig ay  lahaayeen ciidamada dowladda soomaaliya ayagoona sheegay in ay bur-buriyeen fariisimihii ciidamada dowladda ee ku yaalay deegaanka sabiibe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya  oo sida la soo warinaayo dhaq-dhaqaaqyo hor ka wada koohaas.

Kooxda  Al-Shabaab wsaxa ay  muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxa ay kordhisay weerarada ay ku qaadayaan fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanak oo  isku garab ah waxaana soo badanaana weerara ay Al-shabab ay arootii ama xilaga ay seexdaan ciidanka xoogga edalka soomaaliyeed iyo ddaka deegaanka ay ku qaadayaan lana oga sababta mar kasta loo weeraro xiliyada dambe asaan xal loogo helin.

Si kastaba  Shabeelaha Hoose iyo Jubuuyinka  oo ah meelaha ay ku xoogan yihiin kooxda Al-Shabaab    ayaa waxa ay inta badan ka gaystaan  weeraro sababa dhimasho iyo dhaawac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here