MW Xasan oo heshiis culus ku saxiixay Nairobi
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto.
Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.
MW Xasan Sheekh ayaa safarkiisan lagu sheegay inuu yahay mid shaqo oo lagu xoojinayo xiriirka wada shaqeyneyd ee Muqdisho kala dhaxeeya Nairobi.
GalmudugMirror
Nairobi, Kenya