Shirkii Sedexaad ee Gollaha Maamulka iyo Hormarinta Kalumeysiga Soomaaliya ayaa maanta ka furmaray magaalada Dhuusamareeb.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradd Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qeeybgalay masuuliyiin kala socday Wasaaradaha Kalumeysiga dowladaha xubnaha ah ka ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ka kala socday dowa Koonfur Galbeed, Hirshabeele, Jubbaland, Banaadir, Puntland, Wasaarada kalumeysiga dowladda Soomaaliya.
Ajanadaha Shirkan sedexaad ee Golaha Maamulka iyo Hormarinta Kaluumeysiga oo ka socon doona dhuusamareeb muddo laba maalmood ayaa looga hadlayaa xeerarka iyo hanaanka looga faa’iideysan karo qeyraadka badda ee kuluunku kujiro, waxaana shirkan oo maanta ay yeesheen Gudiga `farsamada ee Agaasimayaasha Guud uu gogol xaar u yahay Shir ay maalinta Bari ah yeelan doonaan Wasiirada Kalumeysiga ee Heer dowlad gabaleed iyo federaalka.
Wasiirka Kalumesyiga Dowladda Galmudg Garaad Yuusuf Maxamed ayaa furaya Shirkan isagoo ka hadlay Muhiimadda shirkan iyo sida muhiim ugu yahay isagoona kaga mahadceliyay dhamman dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka dowlada fedraalka soomaliaya.
Shirkan oo ay goob-joog kayihiin Howlawdeenada Masrhuuca Badmaal ayaa looga wada-hadli doonaa xog uruurinta arimaha Kalumeysiga, maamulka iyo wadaagista xogaha quseeya kaluumeysiga, iyadoo kooxda farsamada golahan ay kusoo bandhigi donaan sida is afgaradyadii hore ee golahan looga dhigi karo kuwo
Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Kalumaysiga iyo Khayraadka Blue ga ah ee Dowlada Fadaralka Somalia Mudane Ahmed Hasan Adan ayaa Sheegay in Shirkan uu muhiim gaar ah leeyahay qodobada ka so baxana Somalia oo dhan ay ka faaidi doonto isagoona Galmudug ku amaan in ay qabteen kulamo qaranka macna weyn ugu fadhiya.
Shirkan ayaa daba socda shirar ay horay Wasiirada Kalumeysigu ugu yeesheen Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee dowaldaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland .