Madaxweynaha Galmudug oo u furay shirka nabadeynta beelaha Dir iyo Mariixaan
Waxaa si rasmi uu Magaalada dhuusamareeb uga furay Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye shirka nabadeynta beelaha kasoo kala jeeda degmooyinka Xeraale iyo Cabudwaaq.
Madaxweynah ayaa ku boorriyay salaaddiinta iyo nabaddoonnada iney guud ahaan reer Galmudug gaar ahaan dadka ay kasoo kala jeedaan u qaadaan nabad waarta, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda lid ku ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddi culima ah oo loo saaray xal u helidda dirirta beelaha walaalaha ah kula dardaarmay iney xaqa u hiilliyaan, cidna u xeenan isla markaana ay Dowladdu ku garab taagantahay.
Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay xildhibaano iyo wasiiro ka kala socday labada heer dowladeed iyagoona dhankooda kula dar daarmay beelaha in ay ka dhabeeyaan u dhaga nuglaanta nabadeynta oo ka gudbaan waxkasta oo keeni karo urin colaad iyo dhiig daadasho.
Shirkaan ayaa waxaa daa daheyn doona gudi culimo ah uu magacaabay madaxweynaha dowlada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.
W/Q: Abdirixiin Daacad