Wasiirka Maaliyada Galmudug Doorasho maalin iyo Madal ayey leedahay Ee sharciga hallaga garbaxo..
Senator Farxaan Cali Magan , Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa soo dhaweeyey go’ aankii Gudiga Aminaga Qaranka ee Ka soo baxay kuna aadanaa Hubkii lagu jahwareeray ee dhawaan soo galay guidaha Galmudug isla markaana Gacanta ugalau shacabka degmada Caabudwaaq.
Wasiir Farxaan oo bartiisa Facebook ku soo gudbiyaya Aragtidiisa ayaa Waxa uu yiri-‘Waxaan bogaadinayaa Guddiga Amniga Qaranka iyo Hoggaanka Galmudug oo si isku mid ah ay awaamiirtooda kamid aheeyd in tallaabo sharci ah laga qaado ciddii ka dambeeysey tahriibinta hubkii sharcidarrada ahaa ee lagu qarribayey guud ahaan Dalweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaanna geyiga iyo Dowladnimada Galmudug.
“Meesha bugta iyo farta ayaa is og”
In lagu rafto Doorashada Galmudug loogama fakandoono faldanbiyeedka Hubka Sharcidarrada ah.
Maxaa saaxiibada hadlay ka qaylisiiyey markii Galmudug ku dhawaaqday in ay baarayso lalana xisaabtamayo ciddii ku lug yeelata Hubka Sharcidarrada ah ee Dalka lasoo galiyey.
Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xili ay cirka isku shareertay masuuliyada hubkii dhawaan galmudug soo galay iaydoona ay arintaan ka qeylo dhaamiyeen xildhibaano ka tirsan dowlada soomaaliya.