DEGDEG: Shir xasaasi ah oo maanta ka furmaya Caabudwaaq
Waxaa magaalada Caabudwaaq ee ku taalla waqooyiga gobolkani Galgaduud ka soconaya qabanqaabadii ugu dambeysay ee la xariirta shir-weyne u dhaxeeya dowladda federaalka iyo bulshada magaaladaasi.
Shirkani oo daarran hubkii dhowaan shacabka Caabudwaaq ay ku furteen tuulada Shiila-Madow ayaa la soo sheegayaa in maanta oo Sabti ah lagu wado in uu ka furmo magaaladaasi.
Dhanka dowladda dhexe waxaa shirkani ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag kaasi oo Caabudwaaq tegay maalinkii khamiista ee todobaadkii ina dhaafay waxaana wafdiga la socda kamid ah xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BF.
Wafdi kale oo dowladda Galmudug ka socda ayaa iyana xal u helidda hubkani muranka uu ka dhashay u tegay magaalada Caabudwaaq waxaana wafdigaasi horkacaya wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Cabdi Maxamed Jaamac(Cabdi Waayeel).
Geesta kale, Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Taakooy oo hoggaaminaya dhaqanka iyo waxgaradka Caabudwaaq ayaa shirka kala qeyb galaya madaxda iyo masuuliyiinta ka kala socota dowladda dhexe iyo Galmudug.
Il wareedyo muhiim ah oo la hadlay Raadiyaha Dayax ayaa sheegay in Jananka heysta wasaaradda amniga Soomaaliya uu aad isugu howlayo sidii bulshada degaanka uu ugu qancin lahaa farriinta uu ka sido xukuumadda uu ka tirsan yahay oo la xiriirta sida laga yeelayo hubka shacabka gacanta u galay.
Jeneraal Fartaag ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaatay xubno uu kamid yahay Ugaas Maxamed iyo maamulka magaalada Caabudwaaq waxayna kulamadaasi ujeedkoodu ahaayeen sida bulshada looga dhaadhicin karo dalabka Villa Somalia.
Gaadiid waa weyn oo laba ah kana yimid sida la soo wariyay dhanka Itoobiya ayay bulshada Caabudwaaq hubkani ka furteen dhowaan kaddib dagaal dhexmaray ciidankii baabuurtaasi galbinayay iyo malleeshiyaad hubeysan oo degaanka ah.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa aad isugu dayaysa in hubkaasi ay gacanta dowladda uu soo galo si looga hortago in uu u gudbo dhanka dagaallamayaasha xidhiidhka la leh Argagixisada Alqaacida ee Alshabaab taas oo kooxda ka baajin karta inay u babac dhigaan gulufka colaadeed eek aga socda bariga gobolkani Galgaduud sidoo kalena qeyb ka qaadan karta yareynta isku dhacyada iyo dirirta beelaha gobolkani Galgaduud oo sanadihii dambe sii laba kacleeysay, waxaana isa soo taraysa qatarta laga muujinayo arrintani tan iyo wixii ka dambeeyay markii hubkani uu shacabka degmada Caabudwaaq u gacan galay.
Galmudugmirror
Muqdisho, Soomaaliya