Dowladda FS ma xakamayn kartaa qulqulka Hubka?
Hadal-hayn badan oo dhinacya kale duwan leh ayaa ka dhalatay hubkii dhowaan ka soo galay dhanka Itoobiya gaar ahaan xuduudda gobolkani Galgaduud uu la leeyahay dalkaasi kaasi oo ugu dambeyn dhammaantiisa galay gacmaha shacabka deggan Caabudwaaq.
Soomaaliya oo 32 sannadood ay saarnayd cunaqabataynta hubka ayaa laga qaaday dabayaaqadii sanadkii tegay 2023 kaddib dedaallo diblumaasiyadeed oo ay sameysay Villa Somalia.
Ka gadaal, tallaabadii gollaha ammaanka ee Qaramada Madoobe ee ay xayiraadda kaga qaadeen dalka iyo ka horba waxaa isa soo tarayay weydiimaha la xariira intee bey dowladdu awoodi kartaa inay xakamayso qulqulka hubka maadaama dalka oo dhan uusan gacanta ugu jirin.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo fagaarayaal kale duwan kaga faanay in dowladdiisu ay ku guuleysatay arrintaasi fursadna ay u siineyso dowladda in hub casriya ay u hesho la dagaallanka Alshabaab ayaa isdul-taagay weydiimaha qaar.
DR. Xasan Sheekh waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalku ay awood u leedahay inay xakameyso qulqulka hubka islamarkaana masuuliyaddaasi ay kamid tahay qodobada aas-aasiga ah ee xayiraadda hubka lagaga qaaday dalka.
Wixii ka dambeeyay 15-kii Bishan markii shacabka Caabudwaaq ay xoog kula wareegeen hub u rarnaa siyaasiyiin iyo ganacsato waxaa durba dad ay u horreeyaan siyaasiyiinta ku dhashay isla weydiimahii hore oo ay ka mid tahay illaa intee bay dowladdu awoodi karaysaa in ay xil iska saarto in hub sharci-darro ah dalka la soo galiyo.
In hubka si sharci darro ah uu dalka ku soo galo, islamarkaana dowladdu aynaan hubin cidda uu gacanta u galayo waxa ay saacideysaa laba arrin oo Qatar ku ah amniga qaranka
Midda koowaad in dagaallamayaasha xidhiidhka la leh argagixisada Alqaacida ee Shabaab ay hub cusub helaan taasoo u ah fursad dahabi ah oo wax ka taraysa dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ATMIS.
Tan labaadna waxaa weeye, haddii hubka cid kasta uu gacanteeda geli karo in beeluhu soo iibsadaan taasoo kordhinaysa colaadaha suntan qabaa’ilka ee had iyo goor ka dhex dhaca beelaha Soomaaliyeed.
Inkastoo dowladdu iminka soo saartay awaamiir adag oo ay ku xakamaynayso hubka sharci darrada ah ayaa geesta kale la saadaalin karin dhaqan-galkooda iyo sida ay xaaladdu noqon karto.
Sharci-yaqaannada iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa maamulka Villa Somalia oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhalleeceynaya in aynaan wax masuuliyad ah iska saarin arrintaasi.
Siyaasiyiinta walaaca muujinaya waxa ay qabaan haddii qulqulka hubka aan xal loo helin, in ay ka dhallan karto saameyn amni oo dalka oo dhan ku baahda.
Khubarrada amniga iyo kuwa ka faalooda siyaasadda dalka ayaa qaba in xukuumadda federaalku ay la timaaddo ajandayaal cad cad oo arrintani ay kaga hor-tagayso in dib dambe aysan u dhicin si habaca uusan ugu imaan horumarrada amni ee laga sameynayo dalka iyo ciribtirka Shabaab.
Hayeeshee, weydiimaha ku geedaaman dowladdu awood ma u leedahay xakamaynta hubka iyo awaamiirta ka soo baxday madaxtooyadaba waxaa jawaabo u noqon karta xaalka Caabudwaaq waxa uu ku biyo shubto.
Waxaa qorey: Maxamed Cabdullaahi Maxamed
GalmudugMirror
Galmudug, Soomaaliya