Masar oo Muqdisho ka dejisay Markab wada shixnad hub ah
Markab xamuul oo dowladda Masar ay leedahay ayaa xirmaddii labaad oo hub ah geeyey Soomaaliya, sida ay Isniinta maanta ah xaqiijiyeen saraakiil militari iyo mas’uuliyiinta dekadda Muqdisho.
Qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiic ayaa kamid ah hubkaan maanta ay xukuumadda Qaahira ka dejisay caasimadda Muqdisho.
Diblumaasi sare oo la hadlay wakaaladda warraka Reuters ayaa laga soo xigtay in dejinta hubka uu Markabkani billaabay maalinkii Axadda ee shalay.
Ciidamada ammaanka ayaa Axaddii iyo Isniinta maanta xiray waddooyinka iyo hareeraha dekadda, iyadoo kolonyo baabuur ah ay hubka u qaadeen dhismaha wasaaradda gaashaandhigga iyo saldhigyo ciidan oo ku dhow, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba ka mid ah shaqaalaha dekedda iyo laba sarkaal oo milateri ah.
Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaan weli si rasmi ah uga hadal hubkan, waana ay ka gaabsadeen masuuliyiinta ammaanka ee Soomaaliya oo si gaar ah ay shabakadda GalmudugMirror xiriirro ula sameysay.
Waa shixnaddii labaad oo hub ah oo Masar ay gayso Soomaaliya bil gudaheed. 27-kii August, diyaarad militari oo Masar ay leedahay ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka dejisay hub iyo rasaas. Labada dal ayaa heshiis amni kala saxiixday bishii August.
Dadka odrosa arrimaha gobolka ayaa ku warramaya in tallaabada Masar ay qaadday ay tahay mid uga sii dari karta xaaladda khilaafka ka dhex aloosan xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa oo meeshii u sarreysay gaaray.
Xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kacay sababo la xiriira aaminaad la’aanta ay wadaagaan ee ka dhanka ah Itoobiya.
Itoobiya ayaa ka careysiisay Muqdisho kadib markii ay heshiis afgarad la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo looga kireynayo dhul badeed, loogana beddelanayo inay aqoonsatao Somaliland.
Dawladda Itoobiya si deg deg ah ugama jawaabin codsi falcelin oo ay u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters, balse waxa ay hore u sheegtay in aanay fadhiid noqon karin halka “jilayaasha kale” ay qaadayaan tallaabooyin ay ku khalkhal galinayaan xasilloonida gobolka.
Muqdisho, Soomaaliya
Shabakadda GalmudugMirror