Wasiirka Qoyska oo shir muhiim ah ka furay Muqdisho
Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqal Insaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan looga hadlayay Doorka macalimiinta Dugsiga Qur’aanka kariimka ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka kala dhexeeyo macallinka dugsiga Qur’aanka Kariimka, Waalidiinta iyo Caruurta dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee ay wax-baraan iyo dhibaatooyinka haysto oo ay ka mid yahiin; xarumaha laga furo dugsiyada qur’aanka oo aan lasiinin ahmiyadda ay leeyahiin.
Mudane Bashiir Maxamed Jaamac wasiirka Wasaaradda ayaa sheegay in waajib ballaaran ka saaranyahay Wasaaraddu xaquuqda caruurta Soomaaliyeed, si gaar ah kuwa macallimiinta waxbaraan xilligan, ka wasaarad ahaan waxaan ku howlanahay dejinta siyaasadda dowladda ay ka leedahay dugsiyada Qur’aanka kariinka tas oo qeexayso horumarinta goobaha dugsiyada lagu furayo, xallinta caqabadaha jira iyo qurxinta suuradda umadda Soomaaliyeed, si aan u helno carruur maskaxdooda caafimaad qabta iyo deegaan nadiif ah wax ku bartay oo ay mudnaanta kowaad ii tahay Qur’aanka kariima ah.
Ugu dambayntii kulanka muhiimka ah waxaa sooo qaban-qaabiyay La-taliayaha arrimaha bulshada ee xafiiska Madaxqeynaha JFS Marwo Xaliimo Culusow, waxaana ka soo qeybgalay Macallimiinta dugsiyada Qur’aank kariimka ee Gobolka Banaadir, Culimaa’udiinka Soomaaliyeed iyo madax ka socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muqdisho, Soomaaliya
Shabakadda GalmudugMirror