Xubin muhiim ah oo ka tirsan burcad badeedda oo la qabtay

0
24

Xubin muhiim ah oo ka tirsan burcad badeedda oo la qabtay

Mid kamid ah burcad badeeddii kal horey qabsatay markabkii MV Abdullah ayaa la qabtay, sida uu shaaciyay taliska booliska Puntland.

Markabkan oo lagu sii daayey madax furasho gaareysa illaa 5 milyan oo dollar, ayey muddooyinkii dambe laamaha amniga ku daba jireen xubnihii burcad badeedka ahaa ee markabkaasi qabsaday.

Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsa burcad-badeeddii qabsaday markabkii MV Abdalla ee madax-furashada lagu sii daayay.

Taliska ayaa tilmaamay in hawlgal ay aroornimadii hore ee saaka si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska iyo kuwa PMPF oo ka dhacay degmada Eyl ee gobolka Nugaal lagu soo qabtay eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle).

“Ciidanka oo lasocday xogta eedaysane Cabdiqani Dayib Awnuur (Soolle) ayaa ku qabtay Xeebaha dhaca degmada Eyl iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ku dhuumaalaysanayey” ayaa lagu yiri Warbixinta Booliska dowlad goboleedka Puntland.

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 5 malyan oo doolar sida uu tilmaamay Booliska Puntland sida laga soo xigtay shirkadda markabka leh.

Garoowe, Puntland

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here