Soomaaliya oo guul kale ka gaartay Maaliyadda – Sawirro

0
13

Waxaa si guul ah ku soo dhammaaday dib-u-eegistii 2-aad ee barnaamijka ay taageerto hay’adda lacagta adduunka IMF ee dib-u-habaynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Shirkan oo Sabtidii la soo dhaafay ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa intii uu socday kulankan dib-u-eegista ah diiradda lagu saaray sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay sii wadidda qorshayaasha horumarineed ee maaliyadda iyo dhaqaalaha xaaladda maanta taagan iyo u gogol xaaridda Sadaxda sano ee soo socota halka la filayo in uu ahaado tiigsiga Dowladda.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige oo xiritaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhammaan ku guulaysatay fulinta qorshayaasha iyo gaaridda yoolkii horumarinta dhaqaalaha marka loo eego wada xaajoodka rowladdu ay la lee dahay Hey’adda IMF.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb-galay wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorshaynta, wasaaradda batroolka, wasaaradda cadaaladda, bangiga dhexe ee Soomaaliya, xafiiska xisaabiyaha guud, xarunta warbixinada maaliyadda, lataliye-yaasha dhaqaalaha ee xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Hadafyada la gaaray ayaa waxaa kamid ah sida uu tilmaamay wasiirku, dakhliga dowladda oo kobac sameeyay kadib markii la casriyeeyay habka iyo nidaamkaanka uruurinta iyo maareynta maamulka kharashaadka dowladda, iyada oo la marinayo habraacyada shuruucda maaliyadda.

Sidoo kale Bangiga Dhexe ayaa xaqiijiyay dhammaanba himilooyinkii lagu hormarinayay siyaasadaha iyo shuruucda bangiga.

Geesta kale wasiir Biixi Cige ayaa ku nuux-nuuxsaday in dowladda Soomaaliya lagu amaanay qorshaha isbedelka qaranka (National Transformation Plan) oo hadda ay ku howlan tahay xukumaddu in ay soo dhameystirto.

Ugu dambeyn, wasiirka maaliyadda XFS ayaa u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin laf-dhabarta dowladda ku waas oo qeyb weyn ka qaatay isbedelka, horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, isagoo ku amaanay dadaalkooda cashuur-bixineed iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Dowladda Soomaaliya.

Intanbul, Turkey

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here