Xasaasi: Mooshin laga gudbiyay wasiir Axmed Fiqi

0
21

Xasaasi: Mooshin laga gudbiyay wasiir Axmed Fiqi

Xildhibaanno ka tirsan Aqalka hoose ee gollaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Guddoonka Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay xildhibaannadani u gudbiyeen mooshinka oo ay ku qoran yihiin eedaymo loo jeedinayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Xildhibaannada gudbiyay Mooshinka ayaa sidoo kale sheegeen in Shaabada Wasaaradda ay isticmaalaan shirkado gaar loo leeyahay, islamarkaana lacagaha ay shirkadahaas ku helaan Shaabada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ineysan ku dhicin qasnadda dowladda Federaalka, taasina ay u baahan yihiin in dib u eegis lagu sameeyo shaqada Wasiirka.

Moshinka laga gudbiyay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa la filaya in looga doodi doono kulamada soo socda ee Baarlamaanka, waxaana wararku intaasi ku darayaan in xildhibaanada kasoo horjeeda Wasiir Fiqi iney wadaan abaabul balaaran oo ay ku doonayaan in xilka looga xayuubiyo Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale xildhibaannada mooshinka keenay ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka wasiirka arrimaha dibadda sida ku cad warqadda mooshinka loo gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here