Faahfaahinta Qarax ka dhashay magaalada Muqdisho

0
9

Faahfaahinta Qarax ka dhashay magaalada Muqdisho

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaaxi ku taalla dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad lagu magacaabo Geel-doox, wuxuuna ka dhashay baabuur hor-yaallay dhismaha maqaaxida.

Sida ay xaqiijiyeen ilwareedyo qaraxa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah, maadaama waqtiga baabuurku qarxay uu ahaa xilliga qadada oo maqaaxida ay mashquul ahayd.

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux oo midi haweeney tahay ayaa ku dhintay qaraxaan oo wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo ku howlhan gurmadka dedka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaa wali wax faahfaahin ah ka bixin qaraxani maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Bilihii la soo dhaafay qaraxyada noocani oo kale ah ayaa ku yaraaday caasimadda Muqdisho, kaddib howlgallada amniga oo ay kordhiyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here