Israa’iil oo sheegatay dilka hoggaamiyihii Xisbullaah
Dowladda Israa’iil ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hawlgalkii ay ku beegsadeen ku dileen hoggaamiyaha mileeshiyaadka Xisbullah , Xasan Nasrallah.
Sida laga soo xigtay ciidanka difaaca ee Israa’iil hoggaamiyaha ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha ee tegay.
Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqay weerarkii shalay ee jihada koonfureed ee magaalada Beirut in ay ku dileen madaxii howlgelinta Xisbullah ee koonfurta dalkaasi Lubnaan, Cali Karki iyo saraakiil kale.
Ururka Xisbullaah oo ah cidda u dambeysa ee laga sugayo ku dhawaaqista nolasha iyo geerida ayaa goor dambe oo maanta ah shaacisay geerida hoggaamiyahooda.
Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in isaga iyo xubno kale lala dilay “kadib weerarkii khiyaanada ahaa ee Sahyuuniyadda ee duleedka koonfureed” ee Beirut.
Rasaas ayaa kadib xaqiijinta geerida laga maqlayay Beirut, taasi oo ah tilmaan loogu baroor diiqayo hogaamiyaha dhintay, oo ahaa shaqsi diineed ay aad ugu daydaan taageerayaashiisa.
Goor sii horreysay oo maanta ah, Ciidamada Difaaca ee Israel ayaa sheegay in Nasrallah ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha.
Muqdisho, Soomaaliya
Shabakadda GalmudugMirror