Wararkii ugu dambeeyay shirka wada-tashiga Qaran
Shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa weli ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo soo gabagabayntiisa ay ku horgudban yihiin caqabado iyo kala aragti duwanaan soo kala dhex gashay dhinacyada.
Wararka ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay diidmada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka horyimid qorshaha ay isku raaceen madaxda kale ee ah in dalka loo jiheeyso doorasho mideysan oo qof iyo cod ah.
Ilwareedyo muhiim ah oo ka tirsan Villa Somalia ayaa ku warramaya inay taagan tahay cabsi laga qabo in mar kale uusan maanta qabsoomin shirka, sababo ku aadan go’aanka Axmed Madoobe, maadaama aanu weli beddalin mowqifkiisa ku aadan muddo kororsiga ay Villa Soomaaliya ku dooneyso doorashooyin qof iyo cod ah.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa markaan noqday falaago ka aragti duwan madaxda kale, wuxuuna diiday inuu saxiixo qorshaha lagu heshiiyey ee ku saabsan doorashooyinka dalka, isagoo la yimid aragti kale iyo shuruudo.
Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda GalmudugMirror