Wasiir Fiqi oo jawaab ka bixiyay mooshinkii
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, kadib safar shaqo oo uu dibadda ugu maqnaa.
Wasiir Fiqi ayaa soo dhaween heer sare ah loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde, taas oo uu muuqato inuu ku sameynayo bandhig siyaasadeed, maadaama lagu dhagan yahay.
Munaasabadda soo dhoweynta ah waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka J.F.S, Xoghayaha Joogtada ah, Danjirayaal, Oday dhaqameedyo, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Soo dhaweyntiisa oo saf-dheer loo galay ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaanno kasoo horjeedo mooshinka laga keenay, Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda, danjireyaal, agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee wasaaradda, qaar ka mid ah howlwadeenadda wasaaradda arrimaha dibedda iyo qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed.
Warbixin lagu daabacay bogga wasaaradda loogana hadlay soo laabashada wasiir Fiqi ayaa lagu yiri “Soo dhaweynta ayaa daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya”.
Soo laabashada Fiqi waxay kusoo aaday, xilli todobaadkii hore ay tiro xildhibaanno ah ay geeyeen baarlamaanka mooshin isaga ka dhan ah, ayada oo eedeymo culus loo jeediyay.
Tallaabadan maanta uu qaaday wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ka dambeysay iyadoo dhowaan xildhibaanno ka tirsan gollaha shacabka ah ay ka gudbiyeen mooshin isaga ka dhan ah waxaana eedeymihii loo soo jeediyay ka mid ah inuu ku tagrifalay awooddii wasaaradda islamarkaana uu howl-gab ka dhigay wasiir ku xigeenkiisa iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda GalmudugMirror