Faahfaahin: Duqeymo iyo dagaallo ka dhacay G. Galgaduud
Diyaaradaha dagaalka ee xagga cirka ka taageera ciidamada dowladda FS iyo kuwa mujaahidiinta degaanka ayaa duqeymo ka geystay bariga gobolkani Galgaduud.
Faahfaahinno dheeraad ah ayaana ka soo baxaya duqeymaha diyaaraduhu ka geysteen degaannada bari ee gobolka.
Degaannada la duqeeyay ayaa kala ah Baraag Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, kuwaasoo ay ku dhuumaalaysanayeen dagaallamayaal ka tirsan kooxda gacan saarka la leh argagixisada Alqaacida ee Alshabaab.
Ilo dadka degaanka ah oo la hadlay shabakadda wararka GalmudugMirror ayaa inoo xaqiijiyay in xaaladda ay cakiran tahay, isla markaana weerarka cirka ah uu bilowday saaka aroortii hore, waxaana barbar socda dagaallo toos ah.
Weerarkan ayaa daba socdo duqeymo shalay ka dhacay isla gobolka Galgaduud oo lagu laayay Al-Shabaab badan, sida GalmudugMirror ay ka soo xigatay saraakiil ka tirsan kuwa difaaca Shacabka is-abaabulay.
Warsaxaafadeed Sabtidii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad la weeraray.
Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii fariisinka u ahaa maleeshiyaadka la laayay.
Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud.
Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaalooyin badan oo ka tirsan Galmudug.
Xafiiska Dhuusamareeb
Shabakadda GalmudugMirror