Gollaha shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedyo
Xildhibaannada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa maanta yeeshay mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.
Kulankani oo ka dhacay xarunta gollahan ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir- Beereedka iyo Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka, waxaana ogolaatay 143-Xildhibaan mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.
Shirkan waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollahaasi mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Xildhibaannada aqalka hoose ayaa maalmihii dambe ka doodayay sharciyo dhowr ah, oo ay soo gudbiyeen qaar kamid ah wasaaraddaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda GalmudugMirror