Aadan Madoobe oo u dhoofay Imaaraadka – Ujeedka?
Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta u amba-baxay safar dibaddeed, isaga oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, sida lagu shegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casuummaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta”.
Waxaa sidoo kale mudane Aadan Madoobe uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee Imaaraadka, wuxuuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha soo kordhay.
Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu joogo waddanka Isu tega Imaaraadka waxa uu madaxda dalkaasi, kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal.
Safarka Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmaya xilli uusan guuleysan shirkii wada-tashiga qaran ee magaalada Muqdisho uga socday madaxda dowladda federaalka, kuwa dowladaha xubnaha ka ah iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda GalmudugMirror