Faahfaahin Dagaal xooggan oo ka dhacay Baladweyn
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo saaka oo Jimce ah gudaha magaalada Baledweyne ka dhacay.
Dagaalkan oo khasaare geystay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xarumaha maamulka iyo xerada Lama-galaay, waxaana uu u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulka HirShabelle iyo kan Hiiraan State.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada taabacsan HirShabeelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarumaha maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Baledweyne.
Illaa iminka inta la xaqiijiyay hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka saakay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in khasaaraha dagaalkii saaka uu intaas ka badan yahay.
Dagaalka saakay ayaa waxaa durba guullo ka sheegtay hoggaanka Hiiraan State, iyada oo ujeedka weerarka ciidanka HirShabelle ku sheegay inay doonayeen carqaladeynta munaasabad loogu dabaaal-dagayo sanad-guurada Hiiraan State, taas oo si weyn looga dareemayo gudaha magaalada.
Xaaladda goobihii lagu dagaalamay iyo guud ahaan magaalada Beledweyne ayaa haatan degan kadib markii odayaal iyo waxgarad ku baxay dagaalkan ay ku guuleysteen inay kala qaadan labada ciidan ee dagaalamay.
Dhinacyada ku wada dagaallamay magaalada Baledweyne oo horeyna sidan oo kale ugu dagaallamay ayaa wali laga cabsi qabaa in mar kale ay dagaallamaan maadaama aysan jirin awood ciidan oo ku dhex jirta.
Xafiiska Jowhar
Shabakadda GalmudugMirror