Wasiirka Difaaca oo diray hambalyada maalinta Calanka
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shacabka la wadaagay hambalyada maalinta Calanka ee 12ka October.
12-ka bisha October ayaa ku beegan maalinta calanka umadda Soomaaliyeed, oo sanad kasta la xuso.
“Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 70-aad ee Munaasabadda Maalinta calanka oo ku beegan maalintii ugu horreysay ee ciideena laga taagay calankeena Cawaale ee 12-kii October 1954-tii.” Ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir.
70 sano guurrada ka soo wareegatay calanka Soomaaliyeed markii dhidibadda loo taagay, ayaa ku soo aadaysa iyadoo wali dalka ay ka jiraan colaado kale duwan.
Xafiiska Muqdisho
Shabakadda GalmudugMirror