Faahfaahin: Ciidamo weeraray saldhig ku yaalla Ceelbuur
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa maanta Sabti ah ka soo baxaya dagaal gaadmo ah oo ciidamo ka tirsan kuwa difaaca degaanka ay ku qaadeen fariisin ku yaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaa soo ay maamullaan Al-Shabaab.
Ilo muhiim ah oo degmada ku sugan ayaa shabakadda GalmudugMirror, u xaqiijiyay in weerarkani uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Al-Shabaabkii ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen dagaalyahannada Macawisleyda.
Mid kamid ah saraakiishii hoggaaminaysay weerarka ayaa sidoo kale inoo sheegay in ay dileen hal dagaalame, mid kalena laga dhaawacay, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku sii daraya in malleeshiyaadka weerarka qaaday ay saldhigga kala soo baxeen dad ay ka xireen Al-Shabaab, arrintaas oo ka dambeysay weerarkooda.
Sidoo kale isku dhacaan ayaa loo tiirinayaa inuu sabab u ahaa in burburin Shabaabku ku sameeyeen dhul lagu muransanaa oo ku yaalla degaanno ku yaalla bariga gobolkani Galgaduud.
Xaaladda degmada Ceelbuur iyo degaannada u dhow ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana la soo wariyay in Al-Shabaab ay shacabka ku cadaadinayaan in ay keenaan dadkii laga la baxay saldhigga degmada Ceelbuur iyo maleeshiyada weerarka ku qaaday oo baxsaday.
Horjoogayaal ka tirsan kooxda ayaana la kulmaya odayaal ku hoos nool iyaga oo ku qasbaya inay fuliyaan amarkooda ah in raggii lala baxay ay keenaan iyo kuwa weerarka gaadmada ah geystayba.
Waa arrin adag in lagu dhiirado in degaan ay ku xoogan yihiin Shabaab la weeraro kadibna dib looga soo laabto, balse waxaa howshaas fuliyay ciidamo ka tirsan Macawiisleyda
Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo ciidanka huwanta iyo kooxda.
Xafiiska Dhuusamareeb
Shabakadda GalmudugMirror