Akhriso: DF oo soo saartay digniin aad u culus

0
39

Akhriso: DF oo soo saartay digniin aad u culus

Wargelin ka soo baxday wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda dowladda FS ayaa lagu ogaysiiyey rugta ganacsiga Soomaaliyeed, laamaha amniga, wasaaradda maaliyadda iyo hay’adaha kale ee ay quseyso inaan Dekadda Muqdisho laga soo dejin karin bacda halka mar la isticmaalo, iyadoo la adkaynayo go’aanka wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada.

Amarkaan waxaa horay u soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya, waxaana dalka laga joojiyey isticmaalka bacaha.

“Iyadoo la tiraacayo warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiirka wasaaradda

Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JFS, kuna taariikhaysaneyd 17/09/2024

Ujeedaduna ahayd wargelin ku saabsan joojin bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, Hay’adaha ay ku socoto warqadaan waxaa lagu wargelinayaa in aan Dalka lasoo gelin karin, lana dhoofin karin bacaha fudud ee halka mar ia isticmaalo laga bilaabo 1-da October 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda dekedaha ka soo baxay.

Waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, isla markaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah.

Xafiiska Muqdisho

Shabakadda GalmudugMirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here